870 Views

Muuse Biixi muxuu ka yiri xaaladda “Cakiran” ee doorashooyinka Soomaaliya.

____________________________________________________________________________

Muqdisho, 8da Maarso, 2021:Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta jeedinayay khudbad sanadeedka dastuuriga ee Baarlamaanka ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo isugu jiray amniga, miisaaniyadda, musuq maasuqa siyaasadda guud iyo doorashooyinka Somaliland.

Muuse Biixi ayaa mar uu ka hadlaayay amaanka sheegay in miisaaniyadda Somaliland 51% ay ku baxdo amniga iyo nabadgelyada, halka 48% ay tahay baahiyaha kale oo dhan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay doorashooyinka Somaliland ay ka qeyb geli doonaan 993 musharax, waxaa uu kaloo soo hadal qaaday musuq maasuqa oo uu xusay in illaa 31 mas’uul lagu soo eedeeyay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shacabka magaalada Muqdisho ku tilmaamay in ay afduuban yihiin, isagoo tilmaamay in dadka talada haya ay qaadayaan tallaabooyin cadaawad ah oo dadka kala fogeynaya.

“Shacbiga Muqdisho iyagaaba afduuban, dadka talada u hayaana waxay qaadaan tallaabooyin cadaawad ah oo dadka kala fogeynaya. Maanta Muqdisho dowladdii hore wakhtigeedii wuu dhammaaday dawlad cusubna lama dooran sharcigana uma kordhin haddana wuu fadhiyaa waana maamulayaa”ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxaa uu sheegay in la sii adkeyn doono sharciga lagu qaadayo mas’uuliyiinta ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan dowladda Soomaaliya, kaddib marka cafis soo dalbadaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post