804 Views

Wadooyinka Gibiley oo la xiray kadib markii uu doorasha ku soo bixi waayey musharraxa Ucid

Wadooyinka Gibiley oo la xiray  kadib markii uu doorasha ku soo bixi waayey musharraxa Ucid
____________________________________________________________________________

June 5 2021

Wararka ka imaanaya Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in dadweyne aad u Caraysay ay iskugu soo baxeen magaalada Gobiley kadib markii uu doorasha golaha deegaanka ee Gibiley uu kusoo bixi waayey musharraxa Ucid ee ka sharraxnaa degmadaasi.

Sidoo kale dibad-baxayaasha oo isugu yimid deegaanka Arabsiyo ayaa sheegay in la masuq-maasuqay doorashooyinka Isniintii lasoo dhaafay ka dhacay maamulkaasi.

Dibad-baxayaasha oo isugu jiro rag iyo dumar ayaa sidoo kale hakiyey isku socodka labada magaallo, waxaana arrintan ay saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

sidoo kale Wadooyinka ayay Xireen waxayna gubeen  taayaro waxaana goobtii gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland oo ku guuleystay inay kala dareeriyaan dadkaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post