195 Views

Dowladda Soomaaliya oo hakisey duulimaadyadii Garoonka Aaden Cadde ee Muqdisho, xilli uu ka soo degeyo Madaxweynaha Jabbuuti, Ismaaciil Geelle.

Dowladda Soomaaliya oo  hakisey duulimaadyadii Garoonka Aaden Cadde ee Muqdisho, xilli uu ka soo degeyo Madaxweynaha Jabbuuti, Ismaaciil Geelle.
____________________________________________________________________________

 Arbaco: December 28  2022 

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta hakisey duulimaadyadii Garoonka Aaden Cadde ee Muqdisho, xilli uu ka soo degeyo Madaxweynaha Jabbuuti, Ismaaciil Geelle.

Hey’adda Duulista ayaa sheegtay in Qaybo kamid ah garoonka lagu samaynayo dayactir, Waxaana Xusid mudan inaan horay Garoonka loogu xidhin Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhinaca kale Ammaanka  magaalada Muqdisho ayaa Arbacada maanta ah aad loo adkeeyay. Waddooyinka qaar ee caasimada Soomaaliya ayaa la xidhay.

Soo dhaweynta madaxwayne Ismaaciil Geelle ayaa loo hakiyey isu-socodka magaala madaxda, Talaabadan ayaa saameysay goobaha ganacsiga iyo waxbarashadda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post