999 Views

Koonfur Galbeed oo faahfaahisay labo nin oo maanta lagu toogtay Baydhabo

Koonfur Galbeed oo faahfaahisay labo nin oo maanta lagu toogtay Baydhabo
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-18-2020–Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Beydhabo ku Toogtay Laba Nin loo soo qabtay Fal Kufsi ah oo dhawaan ka dhacay Magaalada Beydhabo.
Ciidanka Booliska maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhawaan qabtay labada nin oo la sheegay in ay qirteen in ay geysteen Kufsi.

Dhawr dhacdo oo kufsi ah oo lagula kacay wiilal yaryar ayaa laga soo weriyay magaalada Baydhabo dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay, taasoo aad uga caraysiisay dadweynaha ku nool magaaladaasi waxaana la rumeysan yahay inay soo dadajisay toogashada labada nin ee dhalinyarada ah ee maanta la toogtay.

Wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ilyaas Siciid Cali ayaa sheegay in dad kale oo arrimahaas loo soo xiray ay jiraan.

“Runtii maalmihii la soo dhaafay waxaa Baydhabo ka dhacayay falal gaboodfallo ah oo dhanka jinsiga la xiriira, marka falalkii waxay noqdeen kuwo soo laalaabtay, dad fara badan ayaa loo xiray runtii oo dembigaa lagu helay oo maxkamad la soo taagay, qaarkood weli waa lagu guda jiraa. Arrimahaas waxaad mooddaa in magaalada Baydhabo ay ka dhaceen wax aan hore looga baran annagana ka mas`uuliyad ahaan ay aad noo taabatay.” Ayuu yiri wasiirka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  __________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post