180 Views

Heshiis Cusub: Itoobiya oo Somaliland La Gashay Heshiis Amni

Heshiis Cusub: Itoobiya oo Somaliland La Gashay Heshiis Amni
____________________________________________________________________________

Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxa uu kulan ku dhexmaray mas’uuliyiin ka kala socday Itoobiya iyo Somaliland, iyaga oo gaaray isafgarad amni.

Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida ee Itoobiya, Marshal Birhanu Jula ayaa sheegay inuu jiro iskaashiga dhinaca Millateriga ah oo kala dhaxeeya Taliyaha Guud ee Ciidanka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, heshiiskaan ayaa noqonaya mid sii adkeyn kara xaaladda ka taagan gobolka Geeska Afrika.

Sida lagu sheegay bogga Facebook-ga ee Ciidanka Difaaca Itoobiya, Taliyaha Guud ee Ciidanka Dhulka Marshal Birhanu Julana iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, waxa ay wada-xaajood ka yeesheen sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen iskaashiga dhinaca ciidanka.
“Wefti uu hoggaaminayo taliyaha guud ee ciidanka Somaliland, Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa markii uu soo gaadhay xarunta wasaaradda gaashaandhigga waxa ku soo dhaweeyey saraakiisha guud,” ayaa lagu qoray barta Facebook ee Ciidanka Difaaca Itoobiya, kadib heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

Heshiiskaan ayaa noqonaya heshiiskii labaad oo xukuumadda Muuse Biixi ay la gasho Itoobiya, xilli aan la ogeyn waxa ay ka dhihi doonto dowladda Soomaaliya ooh ore u diiday heshiiskii hore ee dhanka Badda ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo dhaliyay xasarad siyaasadeed oo gobolka ah ka taagan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post