396 Views

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Salah Jama, oo la kulmay Danjiraha Dowladda Mareykanka u jooga Soomaaliya Larry Andre

Ra’iisul Wasaare  ku xigeenka dalka Salah Jama, oo  la kulmay Danjiraha Dowladda Mareykanka u jooga Soomaaliya Larry Andre
____________________________________________________________________________

\Arbaco: AUGUST 31, 2022

 Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Salah Jama, ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Mareykanka u jooga Soomaaliya, Larry Andre.

Kulanka dhax maray ku-simaha Ra’isul Wasaaraha iyo Safriirka Mareykanka ayey uga wada hadleen xoojin xiriirka iyo wada shaqeynta u dhaxeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahadceliyey kaalmada Mareykanku uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo arrimaha bani’aadamtinimada oo xiligan kamid ah kuwa ugu mudan ee u baahan in wax laga qabto.

Danjiraha Dowladda Mareykanka u jooga Soomaaliya, Larry Andre, ayaa dhankiisa ballanqaaday in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan dhinaca gargaarka iyo amniga ayna mar walbo garab taagan yihiin dowladda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post