1080 Views

Wasiirkii Amniga oo ka hadlay Qarixii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Isgooska Ceelgaabta

Wasiirkii Amniga  oo ka hadlay  Qarixii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Isgooska Ceelgaabta
____________________________________________________________________________

Sabti: September 25, 2021

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Wasiirkii Amniga Gudaha ayaa looga  hadlay Qarixii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Isgooska Ceelgaabta ee muqdisho.

Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qoraalkiisa ugu horreyn si adag ugu Cambaareeyay falkii argagixisadu maanta dad shacab ah kula beegsadeen degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

“Waxaan Cambaareynayaa Falkii Waxshinimada ahaa ee maanta ka dhacay muqdisho, kaas oo ay argagixisadu ku laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sidoo kale qoysaskooda iyo Umadda Soomaaliyeed ugu tacsiyeeyay shacabkii ku geeryooday weerarkaasi ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post