1020 Views

Cabdiraxmaan Cabdishakuur “ farmaajo waa in uu nala sinaadaa waa musharax anaga oo kale ah..

____________________________________________________________________________

2da Maarso, 2021

Musharrixiiinta Madaxtinimada Soomaaliya oo shir’aaid ku qabtay Muqdisho ayaa madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyey in uu xagal daacinayo wadahadalkii ay lahaayeen ayaga iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Waxay ku eedeeyeen Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday in uu ku dhinac furay shir kale, xili aan la suurto galin heshiisyadii horay ay u gaareen Musharixiinta iyo Raisal wasaaraha Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Cabdishakur ayaa sabab uga dhigay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin in Madaxweynaha uusan awood u lahayn inuu shir ku baaqo iyo inuu ku beegay maalinta iyaga iyo raysal wasaare Rooble ay u ballansanaayeen shirka kale oo barbar socda si uu u carqaladeeyo.

“Shirka Midowga Musharixinta iyo raysal wasaaraha waxa looga wada hadli lahaa ayaaba waxay tahay, yaa hogaaminaya geeddi socodka wadahadallada doorashooyinka iyo amniga dalka? Marka waxaan u aragnay in baaqa Farmaajo uu yahay mid isbaaro dhigasha ah oo lid ku ah wadahadaladeena,” ayuu yiri Cabdishakuur.

“Madaxweynaha waqtigiisa waa dhamaaday, waana murashax oo tartankuu qeyb ka yahay, sidaas daraadeed waxaan rabnaa inuu dibad joog ka noqdo arrimahan oo xukuumadda loo daayo markaas ka dib Dowlad goboleedyada, iyo musharixiinta uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka mid yahay ka wada hadlaan arrimaha amniga, arrimaha doorashayooyinka iyo in la furo saaxada siyaasadeed ee lagu tartamayo.”

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan shekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxa uu ku tilmaamay arinta farmaajo uu wado mid sharci daro.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post