873 Views

Xisbiyada Soomaaliland oo heshiis Cusub ka gaaray doorashooyinka

Xisbiyada Soomaaliland oo heshiis Cusub ka gaaray doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 12  2020–Kadib kulamo waqti badan qaatay ee dhex-maray Madaxda Xisbiyada Soomaaliland ee kala ah, Kulmiye oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxda Xisbiyada mucaaradka ee UCID & WADANI ayaa waxaa ay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan dhinaca doorashada.

Heshiiskaas oo bedelaya heshiiskii ay wada gaareen 27-kii Bishii Febaraayo ee sanadkaan Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xisbiyada oo nuqul kamid ah ay heshay Idaacadda Risaala ee Magaalada muqdisho ayaa waxaa uu ku saabsan yahay arrimaha doorashooyinka ee Golaha Wakiilada & Golayaasha deegaanka.

Qodobada heshiiska ay wada gaareen Madaxweyne Muuxu Biixi iyo Xisbiyada ayaa waxaa kamid ah.

In Guddiga doorashooyinka ay u madax bannaan yihiin Gudashada wajibaadkooda ku aadan howlaha doorashooyinka.

2: Xubnaha Guddiga doorashooyinka ay ka koobnaan doonaan Saddex Xusbnood oo ka socda Beesha Caalamka iyo Xubnihii guddigii hore ee doorashooyinka marka laga reebo labada xubnood ee kuwa hadda jira lagu daray.

3: In Guddiga doorashooyinka ay kusoo diyaariyaan waqtiga doorashooyinka Golayaasha wakiilada iyo kuwa degaanka muddo ku sima 14 Cisho , iyaga oo tixgelinaya in doorashooyinka qabsoomaa sanadkaan 2020.

4: in kuraasta Gobolada ee Golaha Wakiilada doorashada soo socota ay noqdaan sidii ay u dhaceen doorashooyinkii Golaha Wakiilada ee sanadkii 2005.

5: Saddexda Xisbi waxaa ay ku heshiiyeen in torakoob qaran laga sameeyo guud ahaan degaannada Somaliland kadibna la qabto Doorashada Golaha Wakiilada Soomaaliland.
Hoos Ka Akhriso Qodobada heshiiska oo dhameystiran.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post