876 Views

Baarlamaanka Puntland oo qaadacay muddo kordhinta golayaasha dowladda federaalka

Baarlamaanka Puntland oo   qaadacay muddo kordhinta golayaasha dowladda federaalka
____________________________________________________________________________

.

April 17 2021

Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in ay dood dheer ka dib qaadaceen muddo kordhinta golayaasha dowladda federaalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa sheegay in 49 xildhibaan ay diideen muddo kordhinta faderaalka, 1 mudane ogolaaday, 2 ka aamuseen.

Saxaafadda ayaa maanta laga saaray fadhigii Golaha Wakiillada Puntland oo horyimaadeen madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa.

Kulanka Madaxweyne Deni iyo Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in uu ahaa is-xogwareysi iyo wada-tashi ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo mowqifka Puntland ee ku aadan muddo kordhinta dowladda federaalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post