810 Views

Xiisad ka taagan Xadka Somalia & Kenya & walaac laga muujiyay

Xiisad ka taagan Xadka Somalia & Kenya & walaac laga muujiyay
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | December 20, 2020 –
Maamulka gobolka Mandheera ee Kenya ayaa sheegay in ay wadnaha farta kaga hayaan dhaqdhaqaaqa militari ee ka jira soohinda Kenya iyo Soomaaliya.

Waxay maamulku sheegeen in arintaasi ay walaac ku hayso oo hadii aan xal loo helin ay saamayn weyn ku yeelan doonto shacabka gobolkaa ku nool.

Arintan waxay imanaysaa iyada oo maalmahan ay isa soo tarayso xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa labada dal, oo xiriirkoodu uu hadda kala go’an yahay.

Badhasaab ku xigeenka Mandheera, Maxamed Axmed Carraay, oo u waramay oo BBC-da, wuxuu sheegay in maalmahaanba ay jirtay cabsi la xiriirta khilaafka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

“Waxaad arkeysaa dadka Mandheera oo ku dhahaya xaaladda amniga maalmahaan wuu sii adkaaday, dhaq-dhaqaaq badanna waa la dareemaya, xitaa dadka Baledxaawo, iyagana way dareemayaan dhaqdhaqaas,marka cabsida labada dhinacba wey ka jirtaa,” ayuu yiri Badhasaab Maxamed Axmed.

Wuxuu sidoo kale sheegay in haddii ay xasaraddaan sii jirto uu barakac badan iman doono, balse waxa uu yiri “Alle ayaan ka baryeyna in ay arrinta ay halkaas gaarin” oo madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Kenyatta isku noqdaan oo ay khilaafkan xal ka gaaran.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post