1479 Views

Qarax ka dhacay afaafka hore ee xarunta sirdoonka Ruushka

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 31, 2018 Qof lagaga shakiyay in uu weerar ku ahaa xarunta sirdoonka dalka Ruushka ayaa ku geeriyooday qarax kol sii horeesay lagu xiray afaafka hore ee laga gallo xaruntaasi oo ku taallo waqooyi galbeed dalkaasi.

Sida wararka ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Gobolka Arkhangelsk Oblast ay sheegayaan waxaa kaloo la dhaawacay labbo ruux kale oo la socotay ninka qaraxa lagu dilay.

Igor Orlov waa gudoomiyaha Gobolka waqooyi galbeed ee uu qaraxa ka dhacay waxa uu warbaahinta u sheegay in qaraxa uu ku geeriyooday ruuxa laga shakiyay uu ka dhacay afaafka hore ee xarunta FSB isla markaasna wixii faah faahin ah ay dib kasoo sheegi doonaan ka dib markuu soo idlaado baaritaanada ay wadaan ciidamada sirdoonka dalkaasi.

“Waxaan wadnaa baaritaano aan ku raadineyno xogta halka weerarkaan fashilmay laga soo abaabulay waxaana rajaynaynaa in saacadacaha ina soo aadan in aan warbaahinta war ka siin doono sida ay wax u dhaceen iyo cida sida rasmiga ah ugu dambeysay weeraarkaan” ayuu sheegay Guoomiye Irlov.

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka guud ahaan xarumaha dowladda ay ku leedahay Magaalooyinka kala duwan ee dalkasi iyadoo laga cabsi qabo in weerarkaani uu bilow  u yahay moojado weeraro ah oo lala beegsanayo dhismooyinka ay ku shaqeeyaan dowladda.

Ilaa hada ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaani.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment