423 Views

Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed oo maanta la soo gabagabeeyey

Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed oo maanta la soo gabagabeeyey
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 20, 2022

Waxaa maanta la soo gabagabeeyey bandhigga guuleystayaasha soomaaliyeed oo mudo laba maalmood ah ka socday magaalada muqdisho.

Munaasabadan oo ay qabanqaabadeeda lahayd shirkada Hormuud Telecom ayaa intii ay socotay waxa ka soo qeyb galay masuuliyiin sar sare, oo ka socotay dowlada federalka somaliya sida raisul wasaare  ku xigeenka dalka Dr Saalax Axmed jaamc, wasiirka waxbarashada Faarah shiiikh abdulkaadir, gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho yusuf xuseen jimcaale (Madaale) iyo marti Sharaf ka socotay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada. 

Bashiir Cabdullaahi Sahal oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka Shirkadda Hormuud, ahna xubin ka tirsan Golaha Sare ee shirkadda, oo daahfurey bandhiga maalinta labaad ayaa ka sheekeeyey duruufihii adkaa ee uu soo maray isticmaalka adeegga EVC Plus, kaas oo shacabka Soomaaliyeed u fududeeyay noloshooda, wax badanna ka beddelay sida looga dukaameysto Soomaaliya.

Bahda waxbarashada oo bandhiga lagu abaalmariyay kaalintii ay kasoo qaateen horumarka wadanka ayaa dhankooda u mahadsaceliyay hormuud telecom oo 20sano jirsatay.

Dr. Fartuun shariif Agaasimaha isbitaalka hooyada iyo dhalaan Banaadir oo ka hadashay bandhigga guuleystayaasha soomaaliyeed ayaa sheegtay in aysan Hadal ku cabiri karin hiillada ay Hormuud siisay bahda caafimaadka, si gaar ahna isbitaalka hooyada iyo dhallaanka Banaadir.

Gudoomiyaha Shirkada Hormuud Telecom Axmaed Maxamuud Yuusf ayaa isla goobta ku balan qaaday in ay shirkada Hormuud bixineyso mudo hal sano ah shidaalka ku baxa isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir iyo in ay centralize gareyn doonaan oksajiinta isbitaalka.

Wasiiirka Waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare Faarax Sheekh Cabduqadir ayaa sidoo kale ka hadlay bandhiga guuleystayaasha soomaaliyeed

Raisulawasaare ku xigeenka soomaaliya Dr Saalax Axmed jaamc oo hadal ka jeediyey gabagabada bandhigga guuleystayaasha soomaaliyeed ayaa sheegay in shirkadda Hormuud oo go’aansatay inaysan kaligeed dabaal dagin ee ay abaal mariso dadkii wax usoo qabtay bulshada , waxayna shirkaddu dalka u tahay Hormuud sida aan ugu faaneyno wiilasha U-17 ee dalka guusha u keenay Ayaan ugu faaneynaa Shirkadda Hormuud”.

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa $15,000 iyo internet free ah muddo sannad ah ku abaalmarisay ciyaartoyda iyo macalimiinta Qaranka ee guushii taariikhiga ahayd ka soo hoyeeen tartanka da’yarta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post