1149 Views

Ku dhowaad 110 dhaqtar oo ka qelin jebiyey Jaamacadda Benaadir (Sawirro)

Ku dhowaad 110 dhaqtar oo ka qelin jebiyey Jaamacadda Benaadir (Sawirro)
____________________________________________________________________________

Dufcadii 14aad oo ka kooban arday tiradoodu gaareyso 109 dhaqtar ayaa ka qelin jebiyay Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Benaadir ka dib markii ay dhameysteen waxbarasho adag iyo halgan ay muddo lix sano ah ku soo jireen.

Munaasabad ay ardaydan aflaxday ku difaacanayeen buugga qelin jebinta (Thesis Defence) ayaa lagu qabtay Kambaska Dr. Ibrahim Caddow ee Jaamacadda Benadir oo ku yaalla magaalada Muqdisho halkaasoo ay ku soo bandhigeen cilmi baarisyo muddo socday oo ay ka sameeyeen xaaladaha dhinaca Caafimaadka ee ka jira qaar ka mid ah Isbitaalada, xaafadaha Muqdisho iyo xeryaha Barakacayaasha.

Masuuliyiin iyo Macalimiin ka tirsan Jaamacadda Benaadir, ardayda difaacaneysay buugga qelin jebinta, aqoonyahano, waalidiin iyo marti sharaf kale ayaa munaasabadaas goob joog ka ahaa.

Dr. Maxamed Max’uud Fuje oo wakiil ka ahaa Hormuudka Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Benaadir ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ardayda qelin jebisay ay wixii maanta ka dambeeya yihiin dhaqaatiir Qaliin iyo daweynba sameyn kara, isagoo xusay inay muujiyeen dadaal badan oo waqti dheer qaatay, ayna la mid yihiin hadda ka dib dhaqaatiirta asaagood ah ee ka baxday Jaamacadaha dunida maadaama buu yiri ay heystaan shahaado caalami ah.

“Anigoo ku hadlaya magaca Maamulka, Macalimiinta hormuudyada iyo mu’asasada Jaamacada Banaadir waxaan ku faraxsanahay inaan si rasmi ah ugu dhawaaqo in 109 dhaqtar ay ka qelin jebiyeen Kuliyadda Caafimaadka, kuwaasoo iskugu jira 47 gabdhood iyo 62 wiilal ah, ayna wixii hadda ka bilowda yihiin dhaqaatiir daweyn iyo qaliinba sameyn kara” ayuu yiri Dr Fuje.

Ardayda qelin jebisay ee dufcada 14aad waxaa kaalimaha koowaad iyo labaad u kala galay labo gabdhood oo kala ah Caasho C/raxmaan C/llaahi iyo Farxiyo Cumar Diiriye, halka kaalinta 3aadna uu ku guuleystay Cabdixakiin Ibraahim Axmed sida uu sheegay Diiwaan hayaha guud ee Jaamacadda Benaadir.

Guddoomiyeyaashii hore ee Jaamacadda Benadir Maxamed Macalin Muuse iyo Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa iyana sheegay iney farxada iyo hambalyada la wadaagayaan ardayda ka qelin jebisay Kuliyadda Caafimaadka, waxaynaa kula dardaarmeen iney dedaalkooda sii wadaan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Maxamuud Xassan Biday oo munaasabadan ka hadlay ayaa u hambalyeeyey ardayda qelin jebisay, wuxuuna sheegay in dufcadan 14aad ay muujiyeen dedaal iyo dhabae adeyg

“Waxaan farxada la wadaagayaa dufcadii 13aad ee soo dhameysata kuliyadda dhaqtarnimada ee Jaamacada Benaadir ka dib lix sano oo dedaal dheer iyo Juhdi badan la soo waday wixii maanta ka dambeeya waxaad tihiin dhaqaatiir, masuuliyad buuxda ayaana idinka saaran Caafimaadka bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri Dr. Biday.

Waxa uu intaas ku daray gudoomiyuhu in Jaamacada Benaadir la aasaasay sanadkii 2002 xilli aysan jirin wax dhaqaatiir Soomaliyeed oo muddo 12 sano ah ka soo baxay jaamacado, burburka dalka ka jiray awgeed, isagoo ugu dambeyna hadalo dardaaran ah u jeediyey dhaqaatiirta qelin jebisay.

Ugu dambeyn waxaa munaasabadaas ka hadlay Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan xubnaha aqalka sare ee baarlamanka Somalia ayaa sheegay in Jaamacadda Benaadir ay buuxisay kaalintii Jaamacaddii hore ee Umadda, ayna soo saartay dhaqaatiir fara badan oo haatan ka shaqeeya dalka iyo dibeda, isagoo ardayda qelin jebisay u sheegay in waxbarashadii rasmiga aheyd ay hadda u bilaabatay, aysan maankooda gelinin in ay halkaas ku dhamaatay isagoo ugu hambalyeeyey guusha ay gaareen.

“Waxaan idinkugu hambalyeynayaa dedaalka aad muujiseen mudadii lixda sano aheyd ee aad waxbarashada soo wadeen, waxaana la idinkaga baahan yahay waxbarashadiina inaad sii wadataan, qeybta taqasuska ee Jaamacada Benadir-na waxaa diyaar idinkugu ah taqasusyo kala duwan” ayuu intaas ku daray Prof. Dufle oo sidoo kale ah madaxa qeybta Waxbarashada heerka labaad ee Jaamacada Benaadir.

 Munaasabadan oo ku dhamaatay jawi farxadeed ayaa waxaa sidoo kale hadalo isugu jiray hambalyo iyo dardaaran ka jeediyey, waalidiin, Dhaqaatiir iyo xubno ka tirsan Maamulka, Mu’asasada iyo Macalimiinta Jaamacada Banaadir oo ay ka mid ahaayeen Dr. Axmed Yuusuf Guuleed, Dr. C/llaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti), Dr. Maxamuud Zaahid Maxamuud iyo xubno kale oo ardayda qelin jebiyay siiyey tilmaamo iyo tusaalooyin, una rajeeyey mustaqbal wanaagsan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post