1146 Views

Fiqi ” Muddo kororsigiinii Baas waa idin soo celiyey Sida looga bartay Oday Farmaajo khudbooyinkiisii horey

Fiqi ” Muddo kororsigiinii Baas waa idin soo celiyey  Sida looga bartay Oday Farmaajo khudbooyinkiisii horey
____________________________________________________________________________

May-1-2021

Muddo kororsigiinii baas waa idin soo celiyey!.!

Sida looga bartay Oday Farmaajo khudbooyinkiisii horey uu barlamaanka uga horjeediyey waxay u badnaayeen kuwo nuxurkoodu isku mid yahay;

Waxqabad la buubuuniyey, ballanqaadyo aan xad lahayn, fariimo dhiilo xambaarsan oo dadka siyaasadda uga aragtida duwan loo dirayo iyo eedeyn wixii uu ku fashilmay oo mucaaradka dusha looga tuuro.

Midda maantay waxay uga duwan tahay kuwii hore ayadoo ku soo aadaysa asagoo muddo xileedkiisii uu dhamaaday 80 casho ka hor, kuna guuldarraystay qabashada doorasho raalli la isaga yahay, oo ay intaas dheer tahay asagoo ku soo hungoobay adeegsiga awood ciidan si uu u meel-marsado muddo kororsi sharcidarro ah.

Maxaa laga fili karaa maanta odayga:

Shacabka ayaan is jecel nahay ka sokow, wuxuu jeedin doonaa khudbad uu kula hadlayo kuwa horfadhiya ama kuwa daawanaya kuwa aan ahayn (dad aan la arkayn Soomaaliyana ku noolayn), wuxuu mar kale ku celin doonaa waxqabadkiisii si gaar ah dhismaha ciidamada uu afartii sano u adeegsan jirey caburinta dadka, haddana uu adeegsanayo dagaalka meelmarinta muddo kororsiga,

 wuxuu mar kale dusha eed uga tuuri doonaa maamulada Puntland, Jubaland, midowga musharixiinta oo shisheeye in ay u adeegaan uu sheegi doono doorashadii in la qabtana ayaga ay ka socon weyday, iyo sidoo kale faragalin shisheeye oo uu ku celin doono mar kale. Ugu danbaynna waxaa laga filayaa inuu yiraahdo muddo kororsigiina baas waa idin soo celiyey!.!

Waxba kama xusi doono xaaladda dhabta ah ee Muqdisho ka jirta, wax weynna kama ifin doono sida looga bixi karo khilaafka siyaasadeed, mana muujin doono wax dabac ah mawaaqiftii looga bartay!.!

Khudbadiisa hal arrin halaga dhex fiiriyo, Raysulwasaare Rooble ayaan hawshii doorashada iyo waxyaalihii la isku hayey oo dhanna ku wareejiyey ee aan iscafinno.

Wasiir Fiqi

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post