549 Views

Dowladda kenya oo ku dhowaadqay inay dib u fureyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya

Dowladda kenya oo ku dhowaadqay inay dib u fureyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya
____________________________________________________________________________


Axad: January 9, 2022

Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay si rasmi ah u furi doonto xuduuda dheer ee ay la wadaagto Soomaaliya, taas oo xirneyd bilihii lasoo dhaafay, isla-markaana saameyn xoogan ku yeelatay dadka shacabka ah ee deggan xadka labada waddan.

Guddiga Amniga Qaranka Kenya ayaa go’aamiyey dib u furista xadka, waxaana uu guddigu diyaariyey qorshayaal lagu wajahayo arrintaasi.

Guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari oo ka hadlay dib furista xuduuda Soomaliya iyo Kenya ayaa sheegay in lagu bilaabi doono magaalada Madera oo la’isku furi doono isku socodka.

“Bilaha soo socda ayey noqoneysaa in Mandera aan furno, Lipoya ayaan ku xijin doonaa meelahaas ayey noqon doonaan meelaha laga soo galayo Kenya,” ayuu yiri gudoomiyuhu.

Arrintan ayaa ku timid, kadib codsiyo ay dowladda u direen hoggaamiyeyaasha Waqooyi Bari oo shaaciyey, haddii la furo xadka inuu kor u kici doono ganacsiga gobolkaasi.

Dhinaca kale sarkiisha ammaanka ee kenya ayaa cabsi waxa ay ka muujinayaan in kooxda Al-Shabaab ay badeecado shar cidarro ah dalkaasi galiyaan, ayaga oo ka helay dhaqaale.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa sidoo kale kooxdu waxa ay kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka labada dal.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhanka kale khilaaf uu ka dhexeeyey sanadihii dambe, kaas oo saameeyey xiriirka diblumaasiyadeed ee labada waddan oo ah kuwa daris ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post