663 Views

Nin sheegay in uu jabsaday bog ay leedahay shirkad diyaaradeed si uu u helo boorso ka luntay

Nin sheegay in uu jabsaday bog ay leedahay shirkad diyaaradeed si uu u helo boorso ka luntay
____________________________________________________________________________

Khamiis: March 31, 2022

Nandan Kumaroo ah 28 jir ah wuxuu la xiriiray shirkada diyaaradha ee IndiGo si ay u caawiyaan, kadib markii uu ogaaday in uu boorsadisa ku qalday boorso qof kale leeyahay.

Laakiin IndiGo ayaa diiday in ay la baadi goobto Kumar qofka ay boorsadiisii ku qaldantay, Kumar ayaa sheegay in uu awood u lahaa in uu xog ka helo website ka shirkada diyaaradaha.

IndiGo ayaa BBC da u sheegtay “in aysan jirin wax dhibaato ah oo loo gaystay mareegta shirkadda IndiGo”.

Kumar ayaa sheegay in uusan ku shaqaysan mareeg jabsashada, laakiin uu arintaan u sameeyay si uu u helo boorsadiisa.

Wuxuu gartay magaca qofka iska leh boorsada isaga oo adeegsanaya lamabarka PNR ka ee qofka kale, oo ku dhaganaa warqada lagu dhajiyo boorsooyinka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post