2232 Views

Wiil Dhalinyaro Soomaali ah oo lagu dilay Uk

Wiil Dhalinyaro Soomaali ah oo lagu dilay Uk
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 20 2020–Alle ha u naxariistee Magalada Leicester ee dalka Ingiriiska waxaa lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed balse heysta dhalashada dalka Holand, kaas oo lagu Magacaabi jiray Xasan Cilmi Jaamac oo da’diisa lagu qiyaasay 19 ilaa 20 sano jir.

Dilka Wiilka dhalinyarada ah ayaa sida la sheegay waxaa geystay dhalinyaro ku hubeysnaa tooreey,xilli uu ku sugnaa banaanka hore Guriga uu ka deganaa Magaalada Leicester ee dalka Ingiriiska.

Mid kamid ah Soomaalida ku nool Magalada Leicester ee dalka Ingiriiska kuna sugnaa meel aan ka fogeen halka uu dilka ka dhacay ayaa waxaa ay sheegeen in ragga dilka geystay ay Soomaali kale ay ahaayeen,isla markaana lagu raadjoogo.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Goobta ay tageen Ciidamo ka tirsan Booliska Uk,iyaga oo howlgal ay sameeyeen ay ku qabteen Qof looga shakisan yahay Dilka Marxuumka,kaas oo ay baaritaan ku hayaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post