741 Views

Jubbaland oo ka hadashay weerar loo adeegsaday Gaari oo ka dhacay Kismaayo

Jubbaland oo ka hadashay weerar loo adeegsaday Gaari oo ka dhacay Kismaayo
____________________________________________________________________________

Arbaco: April 13, 2022

Wararka aan ka heleeno Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya inuu ka dhacay Weerar dhimasho iyo dhaawac geystay, kadib markii la weeraray guri uu daganaa mid kamid ah mas’uuliyiinta Dekadda Magaaladaaas.

Weerarka ayaa loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa kaas oo lagu weeraray Guri uu deganaa mid kamid ah mas’uuliyiinta Dekadda Magaalada kismaayo, kaas oo ku yaala Xaafada Farjano gaar ahaan laanta Siinaay ee Magaaladaas.

Inta la xaqiijiyay weerarka qaraxa waxaa ku dhintay laba qof oo midi ay tahay Haweeneey xaamilo ah iyo Wiil ay dhashay halka uu ku dhaawacmay Wiil 14 jir ah, kuwaas oo dhamaantood ah qoyska mas’uulka ka tirsan Maamulka Jubbaland ee wararka qaraxa lala eegtay.

Sidoo kale, weerarka qaraxaan waxaa ka hadlay Afhayeenka Wasaaradda Amniga DG Jubbaland Jaamac Joofane, isagoo sheegay in weerarka qaraxa lala eegtay Guri kuyaallo Xaafada Farjano gaar ahaan laanta Siinaay ee Magaalada Kismaayo.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in dhamaan dadkii weerarka qaraxa ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay ay ahaayeen qoyska mas’uulka ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in ay socdaan howlgallo male duwan ay ka sameenayaan magaalada Kismaayo, kaas oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka magaaladaas, balse wuxuu tilmaamay in ay jiraan in ka badan 20 Ruux ay kusoo qabteen waxyaabaha qaraxa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post