633 Views

Rag hubeyan oo gobolka Zamfara ee dhaca Waqooyi galbeed Nigeria ku afduubtay in ka badan 300 oo gabdho Iskuulley ah

Rag hubeyan oo  gobolka Zamfara ee dhaca Waqooyi galbeed Nigeria ku  afduubtay in ka badan 300 oo gabdho Iskuulley ah
____________________________________________________________________________

February  26, /2/ 2021

Rag hubeyan oo aan heybtooda la aqoon ayaa gobolka Zamfara ee dhaca Waqooyi galbeed dalka Nigeria ka afduubtay in ka badan 300 oo gabdho Iskuulley ah, sida ay booliisku sheegeen.

Saraakiisha amaanka ayaa loo diray magaalada Jangebe, halkaas oo subaxnimadii hore ee maanta laga qafaashay gabdhaha.

Taliska booliska maxalliga ah ayaa xaqiijiyay weerarka, balse ma aysan bixin faahfaahin intaas dheer. Tani ayaa noqoneysa afduub wadareedkii ugu danbeeyay ee toddobaadyadii lasoo dhaafay lagu bartilmaameedsanayo ardayda iskuullada.

Burcadda hubeysan ayaa inta badan qafaasha ardayda yar yar ee Iskuulleyda ah, si ay madax furasho uga qaataan.

Ugu yaraan 42 qof oo ay ku jiraan 27 arday ah, kuwaasi oo laga afduubtay magaalada Kagara ee gobolka Niger, ayaa weli ku jira gacanta dadkii afduubtay.

Afduubka sanadkii 2014-kii magaalada Chibok ee waqooyi bari dalkaas Nigeria ay maleeshiyaadka Islaamiyiinta ah ee Boko Haram ku qafaasheen gabdho iskuulley ah oo gaaraya 276, ayaa soo jiitay indhaha caalamka, kaas oo ah aafo lagu bartilmaameedsanayo Iskuullada Nigeria, balse weeraradii ugu danbeeyay ayaa waxaa looga shakinsan yahay in ay ka danbeeyaan kooxo burcad oo danbiilayaal ah.

Sidee ayuu weerarka ku dhacay?

Weerarka Jimcaha ayaa dhacay 01: 00 waqtiga dalkaas (saqda dhexe kaddib), markii koox dabley ah ay yimaadeen dugsiga sare ee gabdhaha ee magaalada Jangebe, iyagoo watay gawaari iyo mootooyin, sida uu mid ka mid ah macallimiinta Iskuulkaas wax ka dhiga u sheegay wargeyska Punch.

Warbixinta ayaa lagu sheegay, in qaar ka mid ah burcadda ay ku labisnaayeen dharka ciidamada ammaanka dowladda, iyadoo intaas lagu daray in gabdhaha ay si qasab ah ku saareen gawaarida.

Laakiin, goob joogayaal kale ayaa BBC-da u sheegay in ragga hubeysan ay lug ku yimaadeen Iskuulka.

Waalidiin welwelsan ayaa isugu soo baxay bannaanka hore ee Iskuulka, iyadoo qaarna ay gabdhahooda baadi goob ugu aadeen baadiyaha dalka, sida ay ku warrameen goob joogeyaal.

Macallin ayaa BBC-da u sheegay in 421 arday oo xilligaas Iskuulka ku sugnaa ay 55 arday keliya ka xisaabiyeen.

Maxay mas’uuliyiintu yiraahdeen?

War qoraal ah oo ka soo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in saraakiishooda iyo cutub ka tirsan militariga la geeyay magaalada Jangebe si ay u radiyaan 317-da gabdhood ee la afduubtay.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee Unicef ayaa sheegtay in ay ka carootay kana xumaatay afduub kale oo baaxad leh oo lala beegsaday ardayda wax ka barata dalka Nigeria, taas oo ay ku tilmaantay mid waxuushnimo ah iyo ku tumasho xuquuqda carruurta ah.

Yaa ka danbeeyay weerarka?

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, lamana oga ilaa iyo hadda cidda ay yihiin, balse qof goobjeege ah ayaa BBC-da u sheegay in wax ka badan 100 nin oo hubeysan ay Iskuulka galeen goor hore oo subaxnimadii Jimcaha ah.

“Waxa ay jabiyeen albaabka Iskuulka, iyagoona toogtay waardiyaha. Kadib waxay gudaha u galeen halka deegaanka ah, iyagoona kiciyay gabdhaha, waxayna u sheegeen in ay tahay waqtiga salaadda. Kadib ayay dhammaantood isku yimaadeen, gabdhaha waa ay oynayeen, waxayna u kaxeysteen dhanka keymaha,” ayuu yiri goob joogaha.

“Waxay sidoo kale hawada u tuurayeen xabado markii ay kaynta u socdeen,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Kooxo hubeysan oo ka howlgala Zamfara ayaa inta badan afduub ka fuliya halkaas, si ay u helaan madax furasho, laakiin markii rag hubeysan ay in ka badan 300 oo wiilal ah ka kaxeysteen Kankara oo deris la ah gobolka Katsina bishii Diseembar ee sanadkii hore, ayaa wararka qaar waxa ay sheegeen in kooxda Boko Haram, oo ka howlgasha waqooyiga-bari ay ka dambeeyeen weerarka.

Sheegashooyinka ayaa markii dambe la isku khilaafay, iyadoo wadahadallo kadibna wiilashii la sii daayay.

Xigasho BBC

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post