1224 Views

Dowladda Somalia Oo Baaq Nabadeed U Dirtay Beelaha Ku Dagaalamaya Gobolada Galgaduud Iyo Sh/Dhexe

Dowladda Somalia Oo Baaq Nabadeed U Dirtay Beelaha Ku Dagaalamaya Gobolada Galgaduud Iyo Sh/Dhexe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 18, 2019 –Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa si kulul uga dagaal beeleeyada ka soo cusboonaaday Gobolka Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

 

Wasiir Sabriye oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalada ka socda deegaanada Burdheere ee duleedka Cadale iyo Xeeraale ee Gobolka Galgaduud uu aad uga xun yahay,isla markaana u jeediyay baaq nabadeed beelahaasi dagaalmaya.

Beelaha dagaalamaya ayuu Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda ugu baaq in ay si deg deg ah ku joojiyaan Dagaalka.

Sidoo kale waxa uu fariin u diray Wasiir Sabriye Waxgaradka iyo Ganacsatda kasoo kala jeeda beelaha ay dirirto dhexmareyso,isagoona u jeediyay in ay ku baxaan oo ay wax ka qabtaan arrimahaas lana joojiyo xadada,isla markaana Ciidamada kala qaado.

 

Ugu dambeyntii Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka qeyb qaadan dooto sidii loo joojin lahaa dagaalada ka soo cusboonaaday markale deegaanada Xeeraale iyo Burdheere ee Gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment