822 Views

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayay horumarinta Ganacsiga

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayay horumarinta Ganacsiga
____________________________________________________________________________


Khamiis: January 27, 2022


Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa maanta ka qeyb-galay shirka Madasha Ganacsiga Soomaaliya oo looga hadlayey sidii ganacsiga Soomaaliya uu u la jaan-qaadi lahaa ganacsiyada adduunka isla-mar-ahaantaana uu u abuurmi lahaa is-dhex-gal ganacsi oo dhinac walba leh, kaas oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda UNIDO iyo hay’adda dhinaca iskaashiga iyo horumarinta u qaabilsan dawladda Talyaaniga.

Shirkan oo ay ka soo qeyb-galeen madax kala duwan, ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwo ka socday dalalka Caalamka, gaar ahaan wadanka Talyaaniga, ayaa looga hadlay fursadaha jira iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dhinacyada wax-soo-saarka beeraha, warshadaha, Kalluumaysiga, xoolaha, dhismaha, Lojistikada iyo waxyaabaha la hal maala.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo halkaas ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, ayaa sheegay in ujeedka shirkani uu yahay mid daba socda shirar hore u dhex-maray ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Talyaaniga oo guulo waaweyn laga gaaray iyo sidoo kale sidii Ganacsiga Soomaalida loogu heli lahaa suuqyo ganacsi oo caalami ah oo ay u dhoofiyaan wax-soo-saarka dalkooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post