1083 Views

Amisom oo raashin ku wareejisay Madaxda Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka

Amisom  oo raashin  ku wareejisay Madaxda Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka
____________________________________________________________________________

May 20 2021

Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa deeq isugu jirta raashin iyo agab kale ku wareejisay Madaxda Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka, kaasi oo loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ku barakacay gudaha dalka iyo kuwa uu saameeyay fatahaadda ku dhuftay qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa deeqda ku wareejiyay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika AMISOM ee Xalane.

“Tani waa gurmadkii koowaad ee ay AMISOM bixineyso waxa ay isugu jiraan cunto qalalan iyo agab kale oo loogu talagalay qoysaska barakayaasha ah iyo kuwa uu saameeyay fatahaadda webiga”. Ayuu yiri Danjire Francisco Madeira.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa xusay in dad gaaraya 5.9 Milayn oo Soomaali ah ay xilligan u baahanyihiin gar gaar beni’aadannimo, taasi oo ka badan tirada dadka sanadkii hore 2020 oo ahayd 5.2 Milyan.

Wasiirka Garkaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa uga mahadcelisay kaalmada ay ciidamada AMISOM soo gaarsiiyeen, waxaana ay intaa ku dartay in deeqda la gaarsiin doono dadka u nugul ee u baahan xilligan in loo gurmado.

“Waxaan bogaadinayaa deeqda AMISOM ay maanta nagu wareejiyeen, waxaan kaloo AMISOM uga mahadcelineynaa sida wacan ee ay ula shaqeeyaan ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan dhanka iskaashiga la dagaallanka argagixisada” ayay tiri Wasiir Khadiija.

Madaxa arrimaha beni’aadannimada AMISOM Abdul Diabagate, ayaa sheegay in agabka ay maanta ku wareejiyeen Wasaaradda loogu talagalay in la gaarsiiyo 42,000 oo qof, isagoo intaa ku daray agabka ay ka koobanyihiin, Bariis, Saliid, Sokor, baco, mara kaneecooyin iyo buskut.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post