669 Views

Madaxweyne Trump oo laga diiday in la joojiyo tirinta codadka Pennsylvania

Madaxweyne Trump oo laga diiday in la joojiyo tirinta codadka Pennsylvania
____________________________________________________________________________

Madaxweyne Donald Trump ayaa dacwad u gudbiyay maxkamadda isaga oo codsanaya in la joojiyo tirinta codadka gobollada lagu hardamayo, oo ay sii yaraanayaan codadka uu ka helayo.

Gobolka Pennsylvania, xaakim heer federal ah ayaa diiday codsiga kooxda ololaha doorashada ee Trump ay ku doonayaan in la joojiyo tirinta codadka.

Xaakim Paul Diamond oo sidoo kale ka ajwaabayay cabashada kooxda ololaha Trump ee ah in loo diiday inay ergo u diraan goobta lagu tirinayo codadka ayaa sheegay in haatan labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga loo oggol yahay inay diraan 60 wakiillo ah.

Saraakiisha gobolkaas ayaa sheegay in Jamhuuriyiinta aan loo diidin inay korjoogto ka noqdaan tirinta codadka, balse keliya hal wakiil loo diiday sababtuna ay tahay inuu u hoggaansami waayay shuruucda kala fogaanshaha bulshada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post