984 Views

Puntland oo ka jawaabtay hadalkii Madaxweyne Farmaajo

Puntland oo ka jawaabtay hadalkii Madaxweyne Farmaajo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 07, 2021—Madaxweyne Maxamed cabdullaahi farmaajo ayaa shalay qeyb kamid ah Khudabdii uu u jeediyay Xildhibaannada golaha Shacabka waxaa uu ku sheegay in heshiiskii doorashooyinka ee horay loo gaaray uu soo qortay Madaxweyne Deni, waxaana warkaasi ka jawaabay Maamulka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowlad goboleedka Puntland Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa shegay in hadalka Madaxweyne Farmaajo uu gef ku yahay Dowlad Goboledyada, isaga oo rali-gelin ka siiyay.

 “Hadalkaasi waxa uu gaf ku yahay madaxweynayaasha maamul gobolleedyadii ka qayb-galay shirka , annagaana xaal ka siinaynaayuu yiri ” Wasiirka Warfafainta Puntland.

Inta badan Xildhibaannada & Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa aad uga soo horjesteetay hadalkii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo,waxaana kamid ah Xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in raggaas loo gefay laguna tilmaamay in lagu casumay xaflad nikaax si ay marqaati uga noqdaan.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post