2805 Views

Mareykanka iyo Kenya oo ka wada hadlay dagaalka Shabaab

Mareykanka iyo Kenya oo ka wada hadlay dagaalka Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 12, 2018 –  Dowladaha Kenya iyo Mareynkanka ayaa maalintii shalay oo Arbaco ahayd ku baaqay dadaal badan oo lagu doonayo in lagu xasiliyo Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan, iyagoona sheegay in nabad-galyadu ay muhiim u tahay horumarinta dhaqaalaha.

Labadan dowladood ayaa waxa ay si gaar ah u sheegeen iney muhiim tahay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama Soomaaliya.

uhuru-usaMadaxwaynaha Kenya Uhuru Kenya iyo Thomas Waldhauser, oo ah taliyaha Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa dib u cusbooneysiiyay dadaalkooda nabadda ee labada dal.

Madaxweyne Kenyatta, oo wada hadal la yeeshay Waldhauser, ayaa sheegay in xasarad siyaasadeed oo ka jirta Koonfurta Suudaan ay ka sii dartay cabsida aan loo baahneyn iyo is aaminaad la’aanta taageerayaasha Madaxweynaha Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar.

“Waxaan siin doonaa wax walba oo aan awoodno, laakiin ma ahan wax sahlan,” ayuu Kenyatta ka yiri Xaaladda Koonfurta Suudaan, sida lagu sheegay bayaan la soo saaray kaddib kullan labada Mas’uul ku dhexmaray magaalada Nairobi.

Hoggaamiyaha Kenya ayaa sheegay in Kenya ay si buuxda uga go’an tahay in la helo nabad ka dhalata Soomaaliya, taasi oo uu ku sheegay ahmiyada Koowaad ee hanaanka taageerida Kenya ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya Mr. Kenyatta ayaa sheegay in Soomaaliya hadda ka soo kabaneyso colaad sokeeye iyo caqabado siyaasadeed oo dalka ka jiray.

Waldhauser wuxuu hoosta ka xariiqay dhankiisa baahida loo qabo in Soomaaliya ay xoojiso dhismayaasha hoggaanka, isaga oo intaa ku daray in xasilooni la’aanta ay qayb ahaan sabab u tahay faragelinta aan tooska ahayn ee ka imaanaya wadamada kale, sida lagu sheegay bayaanka.

“Waxaan diyaar u nahay in aan sii wadno caawinta waddanka, illaa inta xukuumadda federaalku ay diyaar u noqoneyso inay aqbasho taageeradayda,” Ayuu yiri Waldhauser.

Dowladaha Kenya iyo Mareynkanka waxay qeyb ka yihiin dalalka sida aadka ah u daneeya arrimaha Soomaaliya kana taageera la dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment