291 Views

Maraykanka oo ka hadlay kacdoonka beelaha Soomaaliyeed ee ka dhanka ah Al-shabaab

Maraykanka oo ka hadlay kacdoonka beelaha Soomaaliyeed ee ka dhanka ah Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Axad: OCTOBER 16, 2022

Dowladda Maraykanka ayaa ka hadashay kacdoonka hubaysan ee beelaha Soomaaliyeed kala horyimaadeen Ururka Al-shabaab si ay degaannadooda uga saaraan.

Safiirka dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Larry Andre ayaa sheegay in Maraykanku taageerayo qorshaha midaysan ee dowladda Soomaaliya iyo qabaa’ilku isaga kaashanayaan dagaalka Al-shabaab.

Safiirka Maraykanka ayaa sidoo kale qabaa’ilka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay u midoobaan cirib-tirka kooxaha argagixisada ah ee ragaadiyay Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in duullaanka ka dhan ah Al-shabaab uu yahay mid lagu tijaabin doono awoodda beelaha Soomaaliyeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post