939 Views

Aamusnaanta madasha wadatashiga qaran oo ay ku midaysan hoggaanka dowlad-goboleedyada dalka

Aamusnaanta madasha wadatashiga qaran oo ay ku midaysan hoggaanka dowlad-goboleedyada dalka
____________________________________________________________________________


isniin: December 13, 2021

Aamusnaanta madasha wadatashiga qaran oo ay ku midaysan hoggaanka dowlad-goboleedyada dalka iyo Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sii hurinaya hubanti la’aanta iyo cabsida laga qabo in dalka ay rabshado ka dhacaan, iyadoo dhinacyada siyaasadda isku haya ay weli isku khilaafsan yihiin wadadii loo mari lahaa. mucaaradka ayaa qaadacay doorashada iyagoo iska diiday waxa ay ugu yeereen boobka doorashada golaha shacabka.

Keligood maaha. Bulshada rayidka ah iyo odayaasha qabaa’ilka ayaa sidoo kale ku biiray cambaaraynta doorashooyinka lagu shubtay ee laga diiwaan galiyay magaalooyinka Dhuusamareeb, Baydhabo iyo Muqdisho. Mucaaradka ayaa u arka doorashooyinka dalka ka socda kuwa loo maray hab-raac been abuur ah oo aakhirka sababi kara rabshada hubaysan, beesha caalamku waxa ay dhankeeda door bidday hanaan doorasho ‘oo dhakhso ah iyada oo aan loo eegin sharcinimada iyo taageerada uu ka haysto dhinacyada siyaasadda.

Madasha wadatashiga qaran oo leh awooda socodsiinta doorashada ayaa ku guuldaraysatay in ay kulan iskugu yimaadaan xaliyaan tabashada laga qabo codaynta doorashada waqtigeeda dib uga dhacday

Golaha Midowga Musharixiinta oo gudanaya xilka iyo masuuliyadda ka saaran samata-bixinta qaranka iyo qabashada doorasho hufan oo daahfuran ayaa u hawlgelaya qabsoomida shirwayne wadatashi Qaran oo ay isugu yimaadaan Ahlu-xali Wal-caqdiga bulshada Soomaaliyeed.

Golaha ayaa sheegay in ay dhisayaan labo gole oo ah Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha iyo Guddiga Amniga Shirweynaha.

Dhawaqan ayaa imaanaya xilli Saacadihii lasoo dhaafay ay baraha bulshadda hareeyeen warqaddo soojeedinaya dhismaha Gole Sare si ay dalka u hogaamiyaan haddii ay uu fashilmay geedi-socodka haatan doorashooyinka.

Mucaaradka ayaa sheegaya in warqadaha aysan ayagu kasoo bixin. Balse, waxay intaas ku darayaan in ay ka rajo-dhigayaan geedisocodka doorashooyinka ee haatan.

Cabdirisaaq Maxamed, oo xubin ka ahaa baarlamaanka 10aad ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya kana mid ah mucaaradka dowladda, ayaa taageero weyn u muujiyey warqadahan iyo guud ahaan soojeedinta.

“Waa shaqo wanaagsan, haddii Ra’iisul Wasaaruhu ku guul-darraysto inuu hakiyo hannaanka doorashada ee been-abuurka ah, guul-darradiisu maaha oo kaliya inay horseed u noqoto dhismaha golaha balse waxay ku qasbi doontaa CPC inay si degdeg ah u hawl-gasho maalmo gudahood, lana dardar-geliyo geeddi-socodkii lagu dhisi lahaa Golaha Sarre,” ayuu ku qoray ciwaankiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Maxamed oo horey u soo noqdey wasiirka amniga xukuumadda federaalka ayaa xubin ka ah xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka kaasoo uu hogaamiyo madaxwaynihii hore ahna mar kale musharax madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post