1656 Views

Abaanduulihii Ciidanka Xoogga Dalka Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Is Bedel Cusub Oo La Sameeyay

Abaanduulihii Ciidanka Xoogga Dalka Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Is Bedel Cusub Oo La Sameeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  30, 2019 –MWarar ay heshay Shabakada qaranimo ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in xilkii laga qaaday Abaanduulihii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed General Odowaa Yuusuf Raage,iyadoon isbedel cusub la sameeyay

Waxaa la sheegay in gabi ahaanba la baabi’iyay magaca Abaanduule,isla markaana waxaa loo magacaabay General Odowaa xilka Ciidamada lugta, xilkan oo ah xil ka hooseeya Abaanduule.

Sidoo kale Taliye kuxigeenka Ciidamada lugta ayaa waxaa loo magacaabay Sarkaal magaciisa lagu sheegay Cabdirashiid oo mar soo noqday Xilka Taliye kuxigeenka Ciidamada, dowladdii Cabdullaahi Yuusuf Axmed .

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in isbedelkan cusub uu yimid kadib markii muddooyinkii dambe ay soo badatay Cabashada Ciidamada,isla markaana lagu doonayo in dib u habeeyn lagu sameeyo Ciidamada

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment