1449 Views

Somaliland oo Faahfaahisay booqashadda Wasiirka Gaashaan dhigga UK

Somaliland oo Faahfaahisay booqashadda Wasiirka Gaashaan dhigga UK
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 07, 2019 —Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland waxaa socdaal aan hore loo sii shaacin ku tagay wasiirka gaashaan dhigga Ingiriiska, Gavin Williamson.

Williamson waxa xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo ay wehelinayeen wasiirrada gaashaan dhigga, arimaha dibadda iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan xukuumadda.

Shirkaan ay yeesheen Madaxweyne Biixi iyo Williamson ka dib ayaa af-hayeenka madaxtooyada Somaliland waxa uu soo saaray war saxaafadeed lagu faahfaahinayo arimihii ay ka wada hadleen.

War saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley xoghayaha gaashaan dhigga ee dalka Ingiriisa, Mudane Gavin Williamson, oo booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland.

Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska oo ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay 1960-kii, iyada oo safarka wasiirkuna uu yahay safarkii u horeeyey ee masuul haya xilka wasiirka difaacu uu ku yimaado Somaliland.

Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada dal ee Ingiriiska iyo Somaliland, lana dar-dar geliyo horumarinta arrimaha iskaashi ee ka dhexeeya labada waddan.

Waxaana Madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Gashaandhigga iyo Safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Ingiriiska.”

Wasiirka gaashaan dhigga Ingiriisku waxa kale oo isaga iyo saraakiil ciidan ah oo la socday ay shir wada galeen dhiggiisa Somaliland, taliyaha milatariga iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka Somaliland.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment