210 Views

Garsoore Mali ah xiriirna la leh Al-Qaacida oo sheegay in iskuullada Mali aan dib loo furin tan iyo inta gabadha iyo wiilasha ardeyda ah looga sameynayo fasallo gaar ah

Garsoore Mali ah xiriirna  la leh  Al-Qaacida oo sheegay in iskuullada Mali aan dib loo furin tan iyo inta gabadha iyo wiilasha ardeyda ah looga sameynayo fasallo gaar ah
____________________________________________________________________________

Axad: NOVEMBER 13, 2022

Garsoore saameyn ku leh dalka Mali isla markaana xiriir la leh ururka Al-Qaacida ayaa sheegay in iskuullada Mali aan dib loo furin tan iyo inta gabadha iyo wiilasha ardeyda ah looga sameynayo fasallo gaar ah si loo kala fogeeyo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Garsooraha wuxuu sidoo kale soo jeediyay in ardeyda ay tahay inay xirta labiska Islaamka oo uu ugala jeedo Khamiis iyo xijaabka.

AFP oo aragtay warqadda uu garsooraha u qoray guddoomiyaha gobolka Timbuktu wuxuu ugu baaqay mas’uuliyiinta in ardeyda iskuullada lagu baro luqadda Carabiya iyo Qur’aanka Kariimka.

Garsoorahan oo lagu magacaabo Houka Houka Ag Alhoussein ayaa furitaanka iskuullada shuruud uga dhigay inay dhaqangeliyaan tallaabooyinkaas.

Houka Houka Ag Alhoussein wuxuu kamid ahaa kooxdii jihaadiga aheyd ee la wareegtay magaalada taariikhiga ah ee Timbuktu sanadkii 2012-kii, wuxuuna kamid yahay dadka ay cunaqabateynta kusoo rogtay Qaramada Midoobey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post