924 Views

Rooble oo ku cadaadinayo guddiga hirgelinta doorashada ee heer Federaal inuu joojiyo qabashada doorashada kursiga HOP 86, kaasoo uu doonayo Fahad Yaasiin.

Rooble oo  ku cadaadinayo guddiga hirgelinta doorashada ee heer Federaal inuu joojiyo qabashada doorashada kursiga HOP 86, kaasoo uu doonayo Fahad Yaasiin.
____________________________________________________________________________


Talaado: february 15, 2022

Warar ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku cadaadinayo guddiga hirgelinta doorashada ee heer Federaal inuu joojiyo qabashada doorashada kursiga HOP 86, kaasoo uu doonayo Fahad Yaasiin oo la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya.

Xubno ka tirsan guddiga oo ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo ayaa BBC Soomaali u sheegay in ra’iisal wasaaraha uusan sheegin sababta uu u rabo in dib loo dhigo doorashada kursigaas oo uu hadda ku fadhiyo Faarax Sheekh Cabduqaadir oo mar ahaa wasiirka cadaallada ee Soomaaliya.

Lama ogga go’aanka uu guddiga ka qaatay dalabka ra’iisal wasaaraha iyo in la joojin doono qabashada doorashada HOP 86.

Xildhibaan Faarax ayaa hadda hawlo caafimaad ugu maqan dalka dibeddiisa.

Xiriirka ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Fahad Yaasiin ayaa xumaa tan iyo markii bishii September 2021 uu ka qaaday xilka

Inkastoo uusan si shaac baxsan u sheegin, haddana Fahad ayaa la rumaysan yahay inuu rabo kursiga HOP 86 ee deegaan doorashadiisu tahay Beledweyne.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post