879 Views

Heshiiska lala gaarey Iran oo hoos u dhigi kara sicirka shidaalka

Heshiiska lala gaarey Iran oo hoos u dhigi kara sicirka shidaalka
____________________________________________________________________________


Axad: March 20, 2022

Dib u soo nooleynta heshiiskii taariikhiga ahaa ee Niyukliyeerka ee Iran, ayaa waxey gacan ka geysan kartaa wax ka qabashada sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka, ee ay dhalisay cuna qabateynta lagu soo rogey Ruushka, ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Ireland.

Simon Coveney, ayaa waxaa uu sheegay in heshiis cusub uu jiro, kaasoo uu rajeynayo in la gaari karayo daba yaaqada toddobaadkan, si dalka Iran fursad loo siiyo in marka ay suuqyada caalamiga galaangal ku yeeshaan.

“Waxaanu ku dhaw nahay inaan gaarno heshiis,” sidaasi waxaa sheegay Coveney, oo la hadley BBC-da, isla markaana ah fududeeyaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee heshiiska niyukliyeerka.

“Tani waa sheeko wanaagsan, oo aan u baahan nahay.” Cuna qabateyn ayaa la saarey maamulka Tehran, kadib markii la sheegay iney jabisay heshiiskii niyukliyeerka ee sanadkii 2015-tii – oo si rasmi ah looggu yaqaano Qorshaha Wadajirka ah, oo ay wada gaareen Iran iyo lix wadan oo kale.

Heshiiskan cusub, ayaa qafiifin doonna cuna qabateyntaas, si ay Iran uga tanaasusho hammigii ahaa iney sameysato hubka niyukliyeerka.

Ingiriiska iyo Midowga Yurub, ayaa baadi goobaya jihooyin kale, oo ay uga maarmi karayaan ku tiirsanaan shaha shidaalka Ruushka, si ay uga fal celiyaan duullaanka Madaxweyne Putin ku qaadey dalka Ukraine.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post