1197 Views

Shir Soomaaliland shalay joojisay oo Maanta ka furmaya Hargeysa

Shir Soomaaliland shalay joojisay oo Maanta ka furmaya Hargeysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 23, 2019 —Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in gudaha Jaamacadda magaalada Hargeysa uu ka furmo Shir looga hadlayo horumarinta iyo fursadaha horyaala dhalinyarada,shirkaas oo shalay ay Xukuumadda Soomaaliland joojisay.

 

Shirka ayaa sababta ay Soomaaliland u joojisay ay aheyd in Shaki ka muujisay in uu xiriir la leeyahay ama looga hadlayo arrimo ku saabsan Soomaaliya,hayeeshee Maamulka jaamacadda Hargeysa ay dadaal u galeen sidii kulankaasi u qabsoomi lahaa.

 

 

 

Maamulka Jaamacadda Hargeysa & Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliland ayaa la sheegay inay wadahadallo dhex mareen, iyada la isku raacay in shirkaasi loogu magac darro horumarinta iyo fursadaha horyaala dhalinyarada Soomaaliland, halka markii hore uu ahaa shirka horumarinta dhalinyarada Soomaalida.

 

War kasoo baxay Maamulka Jaamacadda Magaalada hargeysa ayaa ka qeyb galayaasha lagu Ogeeysiiyay in Magacii hore laga beddelay,isla markaana Maanta uu qabsoomayo,iyada oo laga dhigay shirka horumarinta Dhalinyarada Soomaaliland.

 

Si kastaba Soomaaliland ayaa dhawaan joojisay shir ku saabsanaa mashruuca SSF (Somalia Stability Fund) oo ah Sanduuqa xasilinta Soomaaliya, kaas oo la filayay in lagu qabto 2-dii Bishaan July Magalada Hargeysa.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment