828 Views

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOM

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOM
____________________________________________________________________________


Axad: March 27, 2022

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefdi uu hoggaaminaayo Madaxa Xafiiska UNSOM ee Puntland Mudane Guy Griffin.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Amaanka, xaalada Abaaraha, doorashada Dowladda Federaalka Soomaaliya, qabsoomida doorashada guddoomiyayaasha degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa hannaanka doorashooyinka Qof iyo Cod ee Puntland loogana qaban lahaa degmooyinka kale.

Madaxa Xafiiska UNSOM ee Puntland ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee qabatay Puntland.

Ugu dambayn Madaxweyne ku xigeen ayaa sheegay inay ka go’an tahay qabsoomida doorashada gudoomiyayaasha sadexda degmo iyo horumarinta hanaanka dimuqraadiyada, isaga oo uga mahadceliyey Weftiga booqashadooda iyo wada shaqaynta wanaagsan ee ay la la yeeihiin Puntland.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post