315 Views

Madaxweynaha Dalka Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Imaaraatka

Madaxweynaha Dalka Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Imaaraatka
____________________________________________________________________________

Isniin: NOVEMBER 14, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka Cusub ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Axmed Jumca Al-rumeysi.

Danjire Axmed Jumca ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada shacab, taas oo uu ka siday Madaxweynaha dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraatka Mudane Maxamed Binu Saayid Aala-nahyaan.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi, xilka safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post