1875 Views

Buuga Danjire oo uu Qoray Danjire Cali amerika oo la soo bandhigay Sawiro. Muqaal

Buuga  Danjire oo uu Qoray Danjire  Cali  amerika oo la soo bandhigay Sawiro. Muqaal
____________________________________________________________________________

Talaado: July 6, 2021

Qoraa Cali Maxamed Nuur amerika soona Noqday Safiirka Soomaaliya ee Kenya kana shaqeeya arimaha Samafalka ayaa soo bandhigay Buug uu ugu Magac daray Buuga Danjire oo ku soo aruuriyay Macluumaadka Dibulumaasiyada xaalada Dalka Soomaaliya iyo Arimo badan.

Aqoonyahano siyaasiyiin wax garad dhalinyaro iyo Culumo ayaa ka soo Qeyb gashay xaflad si Wayn loo soo agaasimay oo lagu soo bandhigayay Buuga Danjire oo uu Qoray Qoraa Danjire Cali amerika.

Buugaan ayaa ka hadlaya arimaha Dibulumaasiyada ee Danjire Ameika, iyo waxyaabaha kale ee Quseeya Bulshada Soomaaliyeed.

Goobta lagu soo bandhigayay Buugan waxaa ka Muuqday Wasiiro Xildhibaano haween iyo Qorayaasha Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan, kuwaas oo la dhacsanaa Buuga iyo Qibrada Danjire Amerika.

Gudoomiyaha Degmada kaaraan, Taliyaha Ciidamada  Booliiska Jeneraal Xijaar, Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya,  Najmo maxamuud oo ah Gudoomiye ku-xigeenka Midowga Qorayaasha Soomaaliyeed ayaa goobta ka hadlay

Dr Xasan sheikh oo ah nin inta badan ka hadla xalada Siyaasadeed ee Dalka iyo Prof faarax Bursaliid ayaa ka mid ahaa dadkii goobta ka hadlay, ayaga oo Bogaadiyay Qoraaga Buuga Danjire Amerika.

Wasiir ku-xigeenka Maaliyada Prof Qaloocow oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii goobta ka hadashay ayaa ku dheeraaday Muhiimada Buuga iyo faaiidada uu leeyahay in la aqristo.

Danjire Cali amerika ayaa halkaas ku Gudoonsiiyay Buugaas Hay’ado iyo shaqsiyaad caan ah oo Dalka iyo dadka wax u Qabtay.

Sidoo kale Gudiga dhagoolayaasha Soomaaliyeed iyo intii goobta ka hadashay ayaa ku amaantay Danjire amerika sida uu u garab taagan yahay Bulshada Soomaaliyed gaar ahaan dadka araga la iyo dadka dhagaha la.

Amerika oo goobta ka hadlay aaa ka warbixiyay xaalada uu ka maray markii uu Buuga qoraayay iyo waxa ku saabsan Macluumaadka ku qoran Buuga.

daawo Muqaalkan

Abdihakim Elmi Hassan

Cabdixakiin441@hotmail.com

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post