804 Views

Maleeshiyaad ku dagaalamay deegaano ka tirsan Galgaduud oo la kala qaadey

Maleeshiyaad ku dagaalamay deegaano ka tirsan Galgaduud oo la kala qaadey
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 19 -2020—Ciidamada qalabka sida ayaa ku guuleestay in lakala qaado maleeshiyaadkii dhawaan ku dagaalamey inta u dhexeysa deegaannada Xinjilab iyo Bangeelle ee Gobolka Galgaduud.

 

Xildhibaano ka tirsansan labada aqal ee Baarlamaanka Faderaalka , Taliyaha qaybta 21-aad Gen: “Qooje” iyo saraakiil la socotay oo uu ka mid yahay Taliyaha qaybta Guud ee Booliiska Gobolka Galgaduud ayaa halkaasi gaarey kuwaa oo goobjoog ka noqdey tilaabada koowaad ee lagu kala qaaday maleeshiyaadka dagaalamey.

 

 

 

labada beelood ayaa Ku balamey in ay isugu yimaadaan gogol rasmi ah,iyadoo masuuliyada ilaalinta amaanka loo saarey Taliska qaybta 21-aad oo halkaa kasii howl galaya inta xal waara laga gaarayo colaadaasi.

 

Taliyaha qaybta 21-aad Gen: Qooje ayaa ciidanka amaanka Ku amray in ay masuuliyad taxadar leh ka qaataan in dadka soomaaliyeed ee dagaalamay lakala badbaadsho oo ciidanku mar kastaba isha Ku hayaan Dhaq dhaqaaqyada dadka reer miyiga ah.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment