966 Views

Norway Oo Soomaaliya Ku Caawineysa Deyn Dhan $353 Milyan

Norway Oo Soomaaliya Ku Caawineysa Deyn Dhan $353 Milyan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October10 -2019 —War saxaafadeed rasmi ah ah oo maanta kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda dowlada Norway, ayaa lagu sheegay in Norway ay Soomaaliya siin doonto deyn gaareyso 3,1 bilyan oo lacagta Norwey ah, una dhiganta 353 milyan oo Doolar.

 

Norway ayaa sheegtay in deyntan ay ku caawineyso Soomaaliya, si ay isaga bixiso deynta looga leeyahay sanduuqa horumarinta Bankiga Aduunka ee loo yaqaan IDA. Taas oo Soomaaliya u sahli doonto in dib loogu furo Akoonkii(xisaabtii) ay ku laheyd sanduuqa horumarinta bankiga aduunka, looguna ogolaado soo qaadashada deyn cusub.

 

 

 

Waxaa xusid mudan in deyntan aysan aheyn mid toos loo siinayo Soomaaliya, balse ay tahay mid Norway ay ku shubeyso sanduuqa horumarinta ee Bankiga aduunka, waxaana wixii intaas ka danbeeyo Soomaaliya u furmi doonto inay deyn ka qaadan karto sanduuqa horumarinta Bankiga Aduunka.

 

Deynta Soomaaliya looga leeyahay caalamka ayaa guud ahaan gaareyso 4,7 bilyan oo dollar. Waxayna Soomaaliya dhowrkii sano ee ugu danbeeyay dadaal xooggan ugu jirtay in loo sameeyo deyn cafin, si ay ugu furmaan suuqyada maaliyeed ee caalamka, una hesho maalgalin iyo dib usoo kabasho dhaqaale. Soomaaliya ayaa hada kasoo gudubtay sadex kamid ah afartii imtixaan ee shuruuda looga dhigay, si deynta lagu leeyahay looga cafiyo.

 

Norway ayaa maanta sheegtay inay Soomaaliya ku caawineyso bixinta deynta looga leeyahay Sanduuqa horumarinta ee Bankiga Aduunka, sidoo kale waxey Norway sheegtay in dowlada UK ayaa ayadna dhankeeda bixin doonta deynta Soomaaliya looga leeyahay Bankiga horumarinta Afrika. Waxaana dhiman oo kali ah wadan sadexaad oo bixiya ama damaanaq qaada deynta Soomaaliya looga leeyahay hey´adda lacagta aduunka ee IMF.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment