2223 Views

Sawiro:-RW Kheyre oo furay Shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka

Sawiro:-RW Kheyre oo furay Shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Oktoobar 27 2018 —Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa daah-furay kulanka Muqdisho uga billaabmay kooxda xariirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islaamka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in shirka maanta ee ururka Iskaashiga Islaamka uu astaan u yahay in Soomaaliya oo kamid ah dalalkii aasaasay ay kusoo laabatay fagaaraha iyada oo xal u raadinaysa dhibaatooyinka caalamka ka jira.

Dhammaan mas’uuliyiinta kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ku tillaabsatay ee horumuudka u noqotay in shirkaan lagu qabto Muqdisho.

Shirkan ayaa diirradda lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa xasilloonida ka jirta Soomaaliya oo ka soo kabanaysa Sanado badan oo ay xaalado amni xumo ka jireen iyo taageerada Soomaaliya.

Hoolka uu ka socdo shirka waxaa ku sugan madax kala duwan oo Muqdisho u yimid ka qeyb galka shiraan.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Sudan,  Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda dowladda Qatar, Sultan bin Saad Al Muraikhi Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuwait iyo Mas’uuliyiin ka kala socota Azerbaijan iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa kamid ah Madaxda ka qeyb-galaysa shirkan.

Ururka Iskaashiga islaamka oo ah ururka labaad ee ugu wayn dunida oo ay ku midaysanyihii 57 dowladood ayaa lagu aasaasay dalka Marooko September 25, 1969

10000000 1110 11111120 555555555555

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment