1035 Views

Dibadbaxayaal ka tirsan taageerayaasha hogaamiyaha mucaaradka Sinigaal oo dab qabad siiyay dhismooyin dawladeed

Dibadbaxayaal ka tirsan taageerayaasha hogaamiyaha mucaaradka Sinigaal oo dab qabad siiyay dhismooyin dawladeed
____________________________________________________________________________

6da Maarso, 2021:

Dibadbaxayaal ka tirsan taageerayaasha hogaamiyaha mucaaradka dalka Sinigaal oo xiran ayaa dab qabad siiyay dhismooyin dawladeed iyo gaadiid dad shac ah leeyahay magaalada caasimada ah ee Dakar .

Dibadbaxayaasha ayaa ka caraysan kadib markii Arbacadii la xiray hogaamiyaha  xisbiga ugu weyn mucaaradka dalkaas Cusmaani Sonko oo ku eedeysan kiis kufsi ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha Sinigal ayaa sheegay in rabshadihii ugu dambeeyay ee maanta dhacay inay 4 ruux ku geeriyoodeen toboneeyo kalena ay ku dhaawacmeen.

Muuqaalo warbaahintu baahisay waxaa ka muuqda dad caraysan oo ciidamada dhagax tuuraya iyo sawirada gaadiid la gubay.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post