708 Views

Wasiiro isku-casilay jebinta Awaamiirta COVID 19

Wasiiro isku-casilay jebinta Awaamiirta COVID 19
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 1da Maarso, 2021:Laba Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda dalka Urdun (Jordan) ayaa ku dhawaaqay inay iska casileen xilalkii ay hayeen, kadib, markii ay ka qeyb galeen Xaflad Qado oo lagu qabtay Baar ku yaalla caasimada dalkaasi ee Camaan.

Ra’iisul-wasaaraha dalka Urdun, Bishar Al-khasawaneh oo ka aqbalay Qoraalka Is-casilaadda oo ay u soo gudbiyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Samir Mobeideen iyo Wasiirka Caddaalada, Bassam Talbouni.

Ilo ka tirsan Dowladda dalkaasi ayaa lagu sheegay in Labada Wasiir lagu soo oogay inay ku xadgudbeen Sharciga Degdega ee Xakamaynta  COVID 19.

Wasiirada is-casilay waxaa lagu eedeeyey inay Xaflad qado kala qeyb galeen dad tiradooda dhamayd 9-qof, halka sharciga Degdegga ee  Ka-hortaga COVID 19 oggolayn inay hal madal isugu yimaadaan wax ka badan 6 qof.

Wakaalladda Wararka Urdun ee PETRA waxay sheegtay in Xilka Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha loo magacaabay Towfiiq Kirshan oo ahaa Ku-xigeenka RW dalkaasi.

Boqortooyada Haashimiyadda Urdun oo ay ku nool yihiin 10 million oo qf, waxa la diiwaan geliyey inuu Cuddurka COVID 19 ku dhacay  380,268 qof, halka ay 4,627 kalena u geeriyoodeen xanuunkaasi Laayaanka ah.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post