429 Views

Xal u raadinta dhinacyadii ku dagalaamay degaanka Haraale oo billowday

Xal u raadinta dhinacyadii ku dagalaamay degaanka Haraale oo billowday
____________________________________________________________________________

Kullan ballaaran oo looga hadlayay sidii xal loogu heli lahaa dagaal Beeleedkii ka dhacay degaanka Haraale oo hoostaga degmada Balan-balle  ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaannada Baarlamaanka Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed iyo Siyaasiyiinta kasoo kala jeeda Beelaha dagaalamay oo colaadooda salka ku heyso dhul daaqsimeed & Baraago kuyaalla degaanka, wuxuuna ujeedkiisa ahaa sidii loo dhameyn lahaa Colaada daba dheeraatay ee labada Beelood.

Qaar kamid Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug oo kulanka ka hadlay ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamay inay iloobaan wixii ka dhex dhacay si aysan u imaan dhibaayooyin intaasi ka badan, waxaayna ku baaqaeen in si deg deg ah loo joojiyo dhaqaalaha iyo hurinta Colaada labada beelood.
Sanoter Cabdixakiin Macalin Axmed oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay inay iska dhex doorteen guddi ka kooban 7 Xubnood kuwaas oo u istaagaya inay kala dhex galaan dhinacyada dagaalamay si loo abuuro jawi nabadeed.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray inay dhawaan Ciidamado kala dhex-dhigi doonaan dhinacyada dagaalamay si colaada loo joojiyo.
Muddo laba Maalin oo xiriir ah ayaa waxaa degaanka Haraale oo hoostaga degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud ka dhacay dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dagaalka uu yahay mid kusoo laab laabtay degaanka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post