1404 Views

Gudoomiye Cumar Filish oo kahadlay furitaanka wadooyinka Muqdisho iyo doorka shacabka

Gudoomiye Cumar Filish oo kahadlay furitaanka wadooyinka Muqdisho iyo doorka shacabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 2, 2019 – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa badalay go’aankiisii ku aadanaa inuu furi doono jidadka Muqdisho ee xiran waqti badan.

Guddoomiyaha ayaa shardi culus ku xiray in jidadka Muqdisho ee xiran loo furo shacabka iyo ganacstada dhibaatada ku qabo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in furitaanka jidadka Muqdisho ay ku xiran tahay inay Shacabka kala shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka in uusan qarax ka dhicin Magaalada oo aan lasoo weerarin xarumaha Dowladda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in markii Shacabka Muqdisho ay kasoo baxaan doorkooda ah in Ciidamada Ammaanka usoo sheegaan meelaha lagu diyaariyo qaraxyada iyo dadka fulinayo ay iyagana furi doonaan jidadka xiran ee Muqdisho.

Gudoomiyuhi wuxuu sheegay in markii la waayo qarax ka dhaco Muqdisho ay iyagana ka shaqeyn doonaan furista jidadka, wuxuuna hadalkaas noqday mid si weyn u khilaafay hadalkii uu ka sheegay Xafladdii caleema saarkiisa oo ahaa inuu si deg deg ah u furi doono Jidadka xiran ee Muqdisho.

Hadalkiisii hore ee ahaa inuu furi doono jidadka Muqdisho ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey Shacabka Muqdisho, waxaana illaa hadda la ogeyn sababta keentay inuu is badalo go’aankii Guddoomiyaha.

Lama ogo haddii uu Guddoomiye Cumar cadaadis kala kulmay madaxda ugu sareeyo Dalka oo ku qanacsan inay jidadka sii xirnaadaan maadaama ay u arkaan inay tahay qaabka kaliya ee looga hortagi karo qaraxyada Al-Shabaab.

 

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment