1101 Views

Al-shabab oo weeraray laba gaari oo bas ah oo marayay meel u dhow magaalada Mandera

Al-shabab oo weeraray  laba gaari oo bas ah oo marayay  meel u dhow magaalada Mandera
____________________________________________________________________________

.

June 8 2021

Wararka ka imaanaya Dalka Kenya gaar ahaan ismaamulka mandhera ayaa sheegaya in koox ka tirsan Al-shabab ay weerareen laba gaari oo bas ah, xili ay marayeen  meel u dhow magaalada Mandera ee dalka Kenya.

Saraakiisha Magaalada ayaa sheegay in labada bas ay ahaayeen kuwo kusii jeeday Mandera markii ay la kulmeen weerar uga yimid dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab.

Ku dhawaad 5 qof ayaa ku dhimatay ku dhawaad 10 qofna waa ku dhaawacmeen, waxaana la sheegay mid kamid ah baskii weerarka qabsaday uu qalibmay maadama rasaas xoogan uu kala kulmay dagaalamayasha Al-shabab taa oo kordhisay dhaawada dadka rakaabka ah oo kuwa qaarkood ay aad halis u yihiin.

Sidoo kale Taliyaha Booliska Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa u sheegay warbaahinta in kuwa weerarka fuliyay ay goobta ka baxsadeen inta aysan ciidamada amaanka Kenya ay goobta soogaarin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post