138 Views

Xildhibaano ka walaacsan xaalada Cabdirashiid Janan

Xildhibaano ka walaacsan xaalada Cabdirashiid Janan
____________________________________________________________________________

Muqdisho  – Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo nolol iyo geeri lagu waayay xilli uu ku sugnaa dalka Kenya ayaa waxaa haatan arrintiisa ay yeelatay weji cusub, waxaana soo farogeliyay xildhibaano ka tirsan dowladda Somalia.

Senator Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag oo kamid ah xildhibaanadaas oo kasoo jeeda Jubbada, gaar ahaan gobolka Gedo ayaa si adag uga hadlay xaaladda wasiir Janan.

Fartaag ayaa farriin u diray dowladda Kenya, isaga oo ka codsaday inay si deg-deg ah usoo dayso Janan oo haatan xaaladdiisa walaac xoogan laga muujinayo, maadaama la waayay.

“Waxaan ugu baaqeynaa dowladda Kenya oo uu ugu horreeyo wasiirka gaashaandhigga Aadan Barre Ducaale oo ah nin Kenyaan ah, Soomaalina ah, uguna weyn hadda amniga Kenya, saas oo kale waxaan ugu baaqeynaa taliyaha Nabad-Sugidda Nuuradiin Xaaji inay soo farogeliyaan arrinta Cabdirashiid Janan, si loo soo daayo” ayuu yiri Senator Fartaag.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday dowladda Kenya inay Janan kusoo wareejiso dowladda Soomaaliya, kadibna ay caddeyso waxa ay ku haysato, si looga gar baxo.

“Haddii uu dambi galay dowladda Soomaaliyeed ayaa nahay waa dhisanahay waa inay nagu soo wareejiyaan oo wixii ay ku sheeganayaan halkan ay kusoo wareejiyaan” ayuu raaciyay.

Xidlhibaan kale oo sheegay inuu metalo Cabdirashiid Janan oo isna ka hadlay shirkan jaraa’id ayaa sheegay in Kenya ka rabaan in maxkamad la saaro ama lasoo daayo.

“Cabdirashiid Janan, haddii uu dalka Kenya oo uu sharci ka haysto oo uu dagan yahay uu khalad ka galay waa in maxkamad lasoo taagaa ama lasoo daayaa” ayuu yiri xildhibaan kale oo ay isku beel yihiin wasiirkii hore ee amniga ee maamul goboleedka Jubbaland.

Horay waxaa arrinta Janan uga hadashay Jubbaland oo iyadana Kenya ka dalbatay in xaaladda Wasiir Janan ay meel ku sheegaan, ayna soo caddeeyaan waxa ku sugan yahay.

“Dowladda aan walaalaha nahay ee Kenya, gaar ahaan laamaha amaanka waxan ka codsanaya in Wasiir Janan oo lagu la’yahay gudaha magaalada Nairobi mudo lix cisho ah in meel lagu cadeeyo haddii dambiyo jiran oo lagu tuhmayo qof dambi wuu gali kara lakin waa in la ogaada mesha uu ku sugan yahay,” ayuu horay u yiri Yuusuf Dhuumaal oo hadda ah wasiirka amniga maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Cabdirashiid Janan oo waayihiisa ay marxalad kala duwan soo mareen, marna lagu xiray magaalada Muqdisho ayaa ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeday madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ay mar ahaayeen saaxibo aad isugu dhow.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post