600 Views

Ciidamo kasoo horjeedo JEESOW oo lagu arkay Beledweyne iyo xaaladda

Ciidamo kasoo horjeedo JEESOW oo lagu arkay Beledweyne iyo xaaladda
____________________________________________________________________________


Axad: March 6, 2022

Ciidamo gadoodsan oo u abaabulan hab maleeshiyo beeleed, kana soo horjeedo Daahir Amiin Jeesow ayaa xalay lagu arkay bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyaga oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub culus.

Saraakiisha hoggaamineysay maleeshiyaadkan ayaa sheegay inay diidan yihiin in kursiga tirsigiisu yahay HOP#030 loo xiro xildhibaan Jeesow oo muddo ku fadhiyey kursigaasi.

Qaar ka mid ah saraakiisha gadoodsan oo la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyey HirShabelle inay u xaglineyso dhanka Jeesow, iyaguna ay taasi ka soo horjeedaan.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen inay u taagan yihiin kursigaas in la fasaxo, tartankuna uu noqdo mid daah-furan.

“Waxa aan goobtaan u taaganahay in la fasaxo kursigeena HOP#030 ee loo xiray Jeesow, walaalkeen cadaw noogama dhigeysaan, in badan wuu nagu soo metalay mana ka helin metalaad dhab ah, kursiga in loo xiro xal ma aha” ayuu yiri mid ka mid ah maleeshiyaadka.

Sidoo kale sarkaal kale oo u hadlay maleeshiyaadka gadoodka sameeyey ayaa shaaciyey in go’aanka kursigan ay leedahay beesha iska leh, ayna dooneyso in tartanka la furo ama uu ka haro xildhibaan Daahir Jeesow oo uu ku eedeeyey inuu ku fashilmay metaalada beesha.

 “Daahir Amiin Jeesow ma laha kursigaan oo beesha ayaa iska leh, Beeshaan waxa ay ogoshahay tartan in lagu qaato, waxa uu ku fadhiyay 12 sano, kursigaan wuu ka batay ha iska casilo ama tartan ha u galo balse ma aqbali doonno in uu dhaho Fahad ayaa i wato, Cali Guudlaawe ayaan u tagay & jeebkaa nin ugu jiraa cid ka aqbaleyso malaha,” ayuu yiri sarkaal kale uu hadlay ciidamada gadoodka ka sameeyey magaalada Beledweyne.

Arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyada oo xalay Beledweyne ay shir ku yeesheen hoggaanka HirShabelle iyo musharixiinta xil doonka ah oo ku ballamay in tartanka kuraasta la furo, si meesha looga saaro in xubno gaar ah loo xiro kuraasta Baarlamaanka Federalka Somalia.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post