537 Views

Macallimad lacag siisay argagixiso oo shaqada laga mamnuucay magaalada Crook oo ka tirsan ismaamulka Durham

Macallimad lacag siisay argagixiso oo shaqada laga mamnuucay magaalada Crook oo ka tirsan ismaamulka Durham
____________________________________________________________________________


Sabti: January 8, 2022

Haweenay taageerta argagixisada ayaa laga mabnuucay inay dad wax barto inta cimrigeeda ka harsan .

Miriam Sebbagh, oo ka shaqeynaysay iskuulka hoose ee Hunwick kuna yaalla magaalada Crook,oo ka tirsan ismaamulka Durham, ayaa lagu helay dambi ah inay lacag siisay dad ay ogged inay ku lug eeyihiin falal argagixso.

Macallimadaan ayaa sidoo kale la sheegay inay isku dayday tallaabooyin ay xagjir kaga dhigaysso saaxiibkeed.

Ms Sebbagh ayaa la xiray saanadkii 2017-kii xilligaas oo boolisku ay baaritaan ku sameeyeen hase yeeshee waxaa lagu waayay caddeymo ku filan oo la xiriiray eedaymihii loo jeediyay sida ay sheegeen guddi dhageystay dacwadeeda.

Booliska la dagaallanka argagixisada ee waqooyi bari Egland ayaa muddaba walaaca ka muujinayay xaaladda hawenaydaan ee dhanka caafimaadkeeda maskaxda iyada oo lagu saleynayo aragtideeda iyo ficillo ay ka sameysay iskuulka ay macallimadda ka ahayd.

Xog la helay ayaana sheegaysa in haweenaydan ay siisay lacag dhan £2,500 oo pound shaqsi lala xiriiray urur argagixiso oo la mabnuucy.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post