819 Views

Hogaamiyayaasha dalalka Khaliijka oo wajahaya xaqiiqada guusha Biden

Hogaamiyayaasha dalalka Khaliijka oo wajahaya xaqiiqada guusha Biden
____________________________________________________________________________

“Iska key cafi haddii aan u muuqdo qof maahsan,” waxaa sidaasi yiri safiirka Sacuudiga u fadhiya UK, xilli uu si wayn isha ugu hayay taleefoonkiisa. “waxaan isha ku hayaa natiijada ka imanaysa gobolka Wisconsin.”

Taasi waxay ahayd 8 maalmood ka hor, markaasi oo aan xitaa aan la ogaan cidda aqalka cad ku guuleysanaysa bisha January.

Markii lagu dhawaaqay in doorashada uu ku guulestay Joe Biden, Sacuudiga waxay ku qaadatay waqti dheer in ay ka jawaabaan.

Sacuudiga ayaa horey uga hambalyeeyay Trump markii madaxwaynanimada loo doortay sanaddii 2016.

Arrintani waa mid la yaab leh: waxay lumiyeen saaxib fadhiyay xilka ugu sareeya Marekanka.

Guusha Mr Biden ayaa saameyn qota dheer ku yeelan karta Sacuudiga iyo dalalka kale ee Khaliijka Carabta.

Xiriirka u dhaxeeya Mareykanka iyo gobolka Khaliijka ayaa ah mid soo bilaabmay 1945 isalamarkana laga yaabaa in uu sii jiro, balse isbadalo ayaa iman doona, laakiin isbadaladaasi ma noqon doonaan kuwa dhammaantood laga soo dhaweeyo caasimadaha Khaliijka.

Luminta saaxib wayn

Madaxwayne Trump ayaa saaxib dhaw la ahaa, islamarkana ahaa mid taageera qoyska boqortooyada Sacuudiga.

Waxaa uu Riyaad u doortay inay noqoto magaaladii safarkiisii ugu horeysay uu ku tago bariga dhexe markii uu xafiiska la wareegay 2017.

Wiilka uu Soddoga u yahay, Jared Kushner, ayaa waxaa uu xiriir dhaw la smaeystay dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman.

Markii hay’adaha sirdoonka reer galbeedka ay dhaxal-sugaha uga shakiyeen in uu ka dambeeyay dilkii saxafigii lagu magacaabi jiray Jamal Khashoggi 2018, madaxwayne Trump wuxuu gabi ahaanba diiday in uu ku eedeeyo.

Mr Trump waxaa uu sidoo kale gaashaanka u daruuray baaqa aqalka Congreska ee ahaa in la hakiyo hubka laga iibinayo Sacuudiga.

Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa lumiyay saaxib wayn ku sugnaa Aqalka cad.

Arrimo badan isma badali doonaan, balse aan eegno dhowr arrimood oo laga yaabo in ay wax iska badalaan.

Dagaalka Yemen

Madaxwayne Barack Obama, oo uu madaxwayna ku xigeen u ahaa Mr Biden muddo 8 sano ah ayaa ahaa mid aan ku qanacsaneyn qaabka ay Sacuudiga u wadaan dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta.

Markii uu xafiiska ka tagayay, waxaa duqeynta Yemen ay socotay muddo labo sano ah, iyada oo aan wax hormar ah laga gaarin, islamarkana uu sii kordhayay qasaaraha rayidka iyo burburka kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxwayne Obama ayaa xilligaasi Sacuudiga ka jaray kaalmadii dhanka sirdoonka iyo milatariga ee uu siin jiray Sacuudiga.

Mamaulka madaxwayne Trump ayaa tallaabadaasi meesha ka saaray islamarkana waxaa uu Sacuudiga gacan ku siiyay dagaalka Yemen.

Waxaa imika ay u muuqataa in mar kale ay dib u soo laabatay, islamarkana waxaa uu dhawaan Mr Biden u sheegay golaha xiriirka arrimaha dibadda “in so afjarayo taageerada la siiyo dagaalka Sacuudiga hogaaminayo ee Yemen, waxaa uuna amray in dib u eegis lagu sameeyo xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga “.

Cadaadiska ay saari doonaan maamulka soo socda ee Biden ee ku aadan dagaalka Yemen ayaa laga yaabaa in uu sii kordho.

Iran

Mid ka mid ah waxyaabaha waawayn ee lagu xasuusto Obama ee ku aadan Bariga dhexe ayaa ahaa heshiiskii Niyukleerka ee Iiraan lala galay 2015.

Qaadidii cunaqabateyntii saarneyd Iran iyada shardi looga dhigay in ay xaddidaan howlahooda Niyuklerka islamarkana la kormeero xarumahooda Niyukleerka.

Madaxwayne Trump ayaa ku tilmaamay “heshiiskii ugu xumaa ee ebed la galo” islamarkana waxaa uu ka baxay heshiiskaasi.

Imika, Biden oo badalaya Trump ayaa u muuqda in uu doonayo in Mareykanka ay dib ugu laabtaan heshiiskaasi Iran lala gaaray.

Sacuudiga iyo dalalka kale ee Khaliijka ayaa si wayn u soo dhaweeyay markii bishii January ee sanadkan uu Mareykanka duqeyn ku dilay Janaraal Qasem Soleimani, oo ahaa abaanduulihii xooggagga lagu magacaabo Qudus.

Waxay imika ka walaacsan yihiin in maamulka cusub uu gorgortan la galo Tehraan taasi oo minjaxaabin karta danahooda.

Qadar

Dalka Qadar ayaa waxaa uu hoy u yahay saldhiga milatari ee ugu muhiimsan Pentagon-ka ee ku yaalla Bariga dhexe kaasi oo lagu magacaabo Al-Udeid Air Base.

Saldhigan ayaa ah goobta uu Mareykanka ka hago dhammaan howlgaladiisa dhanka cirka ee gobolka, sida kuwa uu ka fuliyo Suuriya iyo Afqaanistaan.

Balse waxay Qadar imika ku jirtaa go’doomin ay ku soo rogeen dalalka kale ee Carabta ee kala ah Sacuudiga, Baxreyn, Masar iyo Imaaraadka.

Waxay dalalkan dhammaan ka careysan yihiin taageerada ay Qadar u fidiso dhaqdhaqaaqyada islaamiyiinta sida Ikwaanul Muslimiinta.

Qaadacaadda dalalkan ee ka dhanka ah Qadar ayaa bilaabatay wax yar uun ka dib markii uu madaxwayne Trump booqday Riyadh 2017.

Madaxwaynaha la doortay ee Mareykanka Biden ayaa laga yaabaa in uu dadaal u galo xal u helidda khilaafka u dhaxeeya dalalka Khaliijka.

Go’doominta Qadar ma ahayn mid ay dani ugu jirto Mareykanka islamarkana sidoo klae ma aha mid ay ku jirto danta dalalka Khaliijka.

Xuquuqda aadanaha

Dhowr dal oo ah kuwa Khaliijka ayaa aad ugu liita dhanka dhowridda xuquuqda aadanaha.

Balse madaxwayne Trump ma muujin wax dan ah oo uu arrintaasi ka leeyahay, islamarkana arrintan kuma dhaliilin dalalka Carbeed ee uu saaxibada la yahay.

Dhowr dal oo ah kuwa Khaliijka ayaa aad ugu liita dhanka dhowridda xuquuqda aadana

Balse madaxwayne Trump ma muujin wax dan ah oo uu arrintaasi ka leeyahay islamarkana arrintan kuma dhaliilin dalalka Carbeed ee uu saaxibada la yahay.

Waxaa uu ku dooday in danaha istaraatijiyadeed ee Mareykanka iyo heshiisyada ganacsi in ay ka sareyaan walaac kasta oo ku saabsan xarigga loo geysto haweenka u dooda xuquuqda aadanaha iyo tacadiyada ay Qadar kula kacdo shaqaalaha ajaaniibta ah.

Waxaa uu sidoo kale iska dhaga tiray xaqiiqadii ku saabsanayd dilkii loo geystay, Jamal Khashoggi, kaasi oo lagu eedeeyay xukuumadda Sacuudiga,.

Madaxwaynaha la doortay Biden iyo maamulkiisa ayaa waxaan suuragal ahayn in ay ka aamusaan arrimaha xuquuqda aadanaha ee dalalka Khaliijka.ha.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post