1062 Views

Wadayaasha Gaadiidka dadweynaha oo Markale banaanax ka dhigay Muqdisho

Wadayaasha Gaadiidka dadweynaha oo Markale banaanax ka dhigay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-27–2019 –Magaalada Muqdisho waxaa saakay banaanbax ka dhigay Darawalada Gaadiidka Dadweynaha ee BL-ka loo yaqaano,kuwaas oo badi Maanta aan ka Shaqeyneyn qeybo badan oo kamid ah Magaalada Muqdisho.

 

Darawalada ayaa waxaa ay ka cabanayaan in wadooyinka qaar ee muqdisho ay xirtay Dowladda Soomaaliya iyo inay dowladda kusoo rogtay lacago dheeraad ah, iyada oo wadooyinkii ay ku Shaqeysan lahaayeen ay ka xiran yihiin.

 

Gaadiidka dadweynaha ee ka yimaada degmada Madiina ee soo aada dhinaca degmada Xamarweyne ayaanan Maanta Shaqeyneyn,waxaana darawalada banaanbaxaya ay xirteen wadooyinka qaar,sida Wadada Buundooyinka, iyada oo u diidaya Gaadiidka inay maraan.

 

Darawalada ayaa sheegay in dowladda ka rabto Canshuur joogto ah , iyagoo aan heysan Wadooyin ay maraan, islamarkaana ay sii wadi doonaan banaanbaxa.

 

Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa banaanbaxa ay maalintii labaad dhigayaan Darawalada Gaadiidka dadweynaha ee BL-ka loo yaqaano,isla markaana ay uga cabanayaan Wadooyinka xiran.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment